Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kuwaas oo hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre.
Wafdiga ka socda Sowladda Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyey maamulka khaatumo iyo Bulshada ku dhaqan halkaasi.
Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa xarunta madaxtooyada ee maamulka SSC Khaatumo ku soo dhaweeyey wafdigaan, halkaas oo kulamo ay uga socdaan.
Soo dhaweynta wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waxaana saacadaha soo socda aad heli doontaan macluumaad la xiriira safarka Xukuumadda ee Laascaanood.