Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adda Saado ayaa Deegaanka Buulo-guduud ee Gobolka Jubada Hoose ka xarig jartay ceel biyood ku shaqeen doona solarka Cad-ceeda taas oo ay u qodeen dadka deegaanka xili ay abaaro ba’an ka jiraan Deegaanada Dowlad Goboleedka Jubbaland.
xarig jarka ceel biyoodkan ayaa waxa kasoo qeeb galay mas’uuliyiin ka socday Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ay kamid yihiin Wasiirka Wasaarada Biyaha iyo tamarta Dowlad Goboleedka Jubbaland wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Jubbaland Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorsheenta Jubbaland iyo mas’uuliyiin ka socday Hay’adda Saado.
Maxamed Cali Samow.ayaa warbixintan ino soo jeedinaya