Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa magaalada Mudisho kulan Wada tashi ah isugu yimid Wasaaradaha arrimaha bini’aadantinimada iyo maareynta musiibooyinka ee dowlad goboleedyada Jubbaland, Puntland Koonfur Galbeed Galmudug, Hirshablle iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA).
Kulanka ayay hey’adda iyo maamul goboleedyada ku gorfeeyeen xaaladaha bani’aadanimo ee jira iyo dadaallada wax ka qabashada ee socda, waxaana la adkeeyey wada shaqeynta iyo isku xirnaanta hey’adda SODA iyo maamul goboleedyada.
Dhankooda xubnaha ka socday maamul goboleedyada ayaa soo dhoweeyey dib usoo celinta hey’adda maareynta musiibooyinka Soomaaliyeed iyaga oo ballanqaaday wadashaqeyn buuxda.
Guddoomiyaha hey’adda maareynta musiibooyinka Maxamuud Macalin oo shirka ka hadlay ayaa ka digay xaaladda banii’aadnnimo ee dalka ka jirta.
“Heerka halista cunno yarida ah ee jirta waxaa loo badinayaa in ay kasii darto, oo khatarta macluushana waa mid taagan, sidaa darteed waa muhiim in la kordhiyo kaalmada banii’aadnimo, si aan u sameyno damaanadqaad la xiriira dhaqdhaqaaq degdeg ah kahor inta aaney isku badalin macluul daran” ayuu yiri Mr Maxamuud Macalin.
Xaaladda banii’aadnimo ayaa gaartay heerka ugu sareysa iyaga oo aaney di’in afar xilli roobaad, taasi oo sababtay in ka badan 7.7 milyan oo qof ay u baahdaan gargaar bini’aadantinimo iyo daryeel, oo in ka badan 3 milyan oo dadkaasi ka ahi ay qabaan baahi adag, oo naf badbaadin degdeg ah u baahan halka ay nafaqo darradu cirka isku sii shareereyso, oo waxay gaartay heerar degdeg ah meelaha qaar, gaar ahaan dadka gudaha ku barakacay.