Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Ahmed Madoobe Nuunow iyo Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib u-Dhiska iyo Guryeynta DGKGS Mudane Mohamed Ali Hassan oo maalmahan ku Sugan Dalka Nigeria gaar ahaan Dowlad Goboleedka Kaduna State ayaa ka qeyb galay shirka Maalgashiga ee Kaduna oo loo soo gaabiyey (KADINVEST 6.0)
Shirkaan oo ay si wadajir ah Ufureen Madaxweyne ku Xigeenka Nigeria iyo madaxweynaha Kaduna State Mudane Nasir Al-Rufai ayaa waxaa kasoo qeyb galey wafuud caalami ah oo ka kala socdey wadamo iyo shirkado maalgashi.
Waxaana shirka inta uu socday lagu soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira guud ahaan dalka Nigeria gaar ahaa Dowlad Goboleedka Kaduna State.
Casuumaadan Wasiirada ka socdey DGKGS ayaa waxey daba socotaa booqasho Dhowaan Madaxweynaha DGKGS Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayey ku tageen Kaduna State kaasoo lagu mataaneeyey labada Maamul Kaduna iyo Koonfur Galbeed laguna kala saxiixdey heshiis iskaashi oo dhinacyo badan leh.