Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK David Lammy ayaa noqday wasiirkii ugu horreeyay ee UK oo booqasho ku taga dalka Suuriya tan iyo markii ay dalkaasi ka bilowdeen kacdoonnadii horseeday dagaalka sokeeye ee dalkaasi ka bilowday 14 sano ka hor.
Lammy waxa uu la kulmay madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Suuriya Ahmad al-Sharaa siddeed bilood ka dib burburkii dowladdii Asad.
Booqashada ka sokow, dawladda UK waxay ku dhawaaqday xirmo taageero ah oo dhan £94.5m si loogu daboolo gargaarka bini’aadantinimo iyo taageeridda soo kabashada muddada dheer ee gudaha Suuriya iyo dalalka caawinaya qaxootiga Suuriya.
Lammy ayaa warbaahinta u sheegay in ujeeddada kulankiisu ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa dowlad loo dhan yahay, hufnaanta iyo isla xisaabtanka dowladda cusub.