Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr Cali Xaaji Aaden oo uu wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Guuleed Cabdijaliil ayaa si wada jir ah Maanta u dhagax dhigay Dhismaha Cusub ee Xarunta keydka Talaalka Qaranka oo noqon doona xarun weyn oo lagu keydin doono Talaalka Dalka.
Mashruucan waxaa goob joog ka ahaa Madaxa Talaalka Qaranka Dr Maxamed Maxamuud Deerow iyo Wakiilo ka socday Xubnaha gacanta ka geysanaya Hirgalinta Mashruucan.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya