Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowlada Jubaland ayaa maanta si rasmi ah uga daah-furtay saddex degmo oo Jubaland ah wajiga saddexaad ee tababarka barnaamijka “Marwo Caafimaad.
Barnaamijkaan oo lagu tababaraayo gabdhaha ka shaqeeya daryeelka hooyada iyo dhallaanka ayaa la filayaa inuu xoojiyo adeegyada caafimaad ee tuulooyinka fog-fog ee degaanada jubbaland.
Daahfurka barnaamijka ayaa waxa ka soo qayb galay qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Jubbaland, oo uu ugu horreeyo Wasiirka wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dowladda Jubbaland, Maamulka Degmada Kismaayo, macallimiinta bixinaya tababarka, iyo shaqaale ka socda waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya