Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa jubbaland oo kormeer ku tagay qeyba kamid ah xaruumaha dadweynaha loogu adeego

0
223

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wafdi uu hogaminayo wasiir kuxigeenka wasaaradda Xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa jubbaland Maxamed Nuur Cali Nuurani oo u weheliyo wasir kuxigeenka wasaaradda qorsheyta iyo xiirirka calamiga jubbaland mudane Maxamed Cusman Jamac oo howlo shaqo u soo gaarey magaalada dhoobley ayaa kormeer ku sameeyay dhowr meelo oo ay kamid yahiin suuqa xoolaha,kawaanka hilibka, iyo goobaha xoolaha ay kacabi jireen waqtiyada diiracda.

Qaar kamid ah suuqleyda xoolaha oo warbahiinta la hadlay ayaa kawarbixiyay dhaqdhaqaaga suuqa xoolaha.

Wafdiga ayaa si wadajir ah u kormeereen biyo xireenka weyn ee magalada dhoobley oo saraan xadka kaas oo xiliyada roobka dadka kala kulmi  jireen dhibaatooyin walow intii biyo xirenkan la sameyeeyay ay sameyntiisu yaraatay

Dhinaca kale waxa ay kulan la qateen intii ay shaqada ku jireen mamuulka magalada dhoobley iyo gudiga abaaraha kulankasi oo ahaa mid is xoog wareysi ah oo daarnaa waqtiigi aadkaa ee laso maray gaar ahaan abaaraha ku dhuftay Deegaanada jubbaland oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Ugu danbeyntii waxa kulankaasi hadallo ka soo jeediyay wasiirka xananada xoolaha dhiirta iyo daaqa Maxamed Nuur Cali Nuurani.

Naxwo Axmed Kadiye. ayaa ka warramaysa