Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowaladda Jubbaland mudane Maxamed Axmed Cali ayaa xafiiskiisa Kulan kula qaatay Xubno ka socday Hay’adaha ka howlgala deegaanada Jubbaland.
Kulankan ayaa waxa Wasiirka ku weheliyay Wasiir kuxigeenka Wasarada iyo Ku simaha Agaasimaha guud ahna Agaasimaha maamulka Maaliyadda iyo shaqaalaha Wasaaradda.
Shirka ayaa ujeedkiisu daarranaa labo qodob oo kala ah work parment oo ah ogolaanshaha shaqada iyo qodobka labaad oo ah in la helo tirakoobka shaqaalaha u shaqeeya Hay’adaha ka howlgala Jubbaland.
Khadar Axmed Salaan.ayaa kawaramaya