Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan Soomaaliya oo kulmay.

0
78

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Nairobi kulan muhiim ah kula qaatay Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Rwanda Mr. Keith Hansen iyo Wakiilka Xafiiska Soomaaliya ee Bangiga Adduunka Kristina Svensson.

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray horumarinta mashaariicda Bangigu ka fuliyo Soomaaliya oo ah kuwo waxtar u leh, Dowladda iyo Bulshada intaba, sidoo kale waxaa laga wada hadlay kadib barnaamijkii deyn cafinta, sidii loo ballaarin lahaa taageerada uu siiyo Dowladda Soomaaliya.

Bangiga Adduunka ayaa ka mid ah hey’adaha caalamiga ah ee sida joogtada ah u taageera Dowladda Soomaaliya, waxa uuna ku leeyahay mudnaan gaar ah gudaha dalka Soomaaliya.