Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xilli uu magaalada Kuwait uu ka soconayo Shirka sanadlaha ah ee Hey’adaha Maaliyadda Dalalka Carabta ayaa Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige waxa uu saxiixay maanta heshiis deyn cafin taariikhi ah, kaas oo muddo sadex sano kabadan uu wada xaajoodkiisa soo socday.
Heshiiskan deyn cafinta ah oo ay wada saxiixdeen Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Lacagta Carabta Mudane Fuad M. Al-Turki ayaa gaaraya $306.5 Milyan oo dollar, taas oo cuuryaamisay helidda mashaariicda maalgalineed ee Dowladda Soomaaliya ay u baahneyd.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay in heshiiskani uu muhiim u yahay dib u dhiska dhaqaalaha dalka iyo dadaallada lagu dhameystirayo arrimaha deyn cafinta oo Dowladda Soomaaliya ay dadaal xoogan galisay.
Sidoo kale Wasiirku waxa uu tilmaamay in heahiiskani uu suuro galinayo in Dowladda Soomaaliya iyo Sanduuqa Lacagta Carabta ay si rasmi ah usoo ceshadaan wadashaqayntii taas oo hakad galisay dhammaan kaalmooyinka ay heli ay Dawladda Soomaaliya ka heli lahayd Sanduuqan.