Wasiirka Isgaarsiinta oo daahfuray Shirka fulinta Howlgalka Mashruuca EA-RDIP.

0
41

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS Mudane Xildhibaan 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 π€πšππšπ§ 𝐌𝐚𝐜𝐚π₯π₯𝐒𝐧 (π’πŽπŽπŒπ€π€π‹πˆ) ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Shirka fulinta Howlgalka Mashruuca EA-RDIP, oo markii ugu horreysay lagu qabtay gudaha Soomaaliya, kaddib go’aanka Wasiirka ee haa in shirarka mashruuca lagu qabto gudaha dalka halka markii hore dibadda looga qaban jiray.

Shirkan oo socon doona mudo saddex maalmood ah, ayaa waxaa kaqeyb galay wakiillo ka socday Bangiga Adduunka, wafdi ka socda dowladda, iyo Xafiiska Hirgelinta Mashruuca (PIU).

Furitaanka shirkan ayaa lagu lafaguray Qorshaha Sanadlaha ah ee Mashruuca (AWP), iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la dedejiyo hirgelinta mashruuca, maadaama sanadkan uu saldhig u yahay guusha mustaqbalka ee mashruuca.

Shirkan ayaa calaamad u ah dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo adeegyada isgaarsiinta iyo tiknolojiyada, si loo gaaro horumar dhab ah oo wax ku ool u ah bulshada Soomaaliyeed.