Wasiirka Gargaarka XFS iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo kawadahadlay xaalada Bini,Aadanimo ee Dalka+Sawirro

0
218

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka xukumadda federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta xarunta Safaaradda shiinaha ee Magaalada Muqdisho kulan looga hadlayay Arrimaha gargaarka iyo xiriirika dowladda Soomaaliya iyo Shiinaha kula qaadatay safiirka Dowladda shiinaha ufadhiya Soomaaliya.

“Maanta oo Talaado ah waxaan kulan kula qaatay xarunta Safaaradda Shiinaha ee magaalada Muqdisho Safiirka Shiinaha u fadhiyo Soomaaliya Mr Qin Jian.

Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sidoo kale sheegtay inay kala hadashay xaalada bini,aadanimo ee ka jira dalka gaara ahaan  abaaraha iyo sidii ay dowladda Shiinaha qeyb uga qaadan laheyd gurmadka loo fidinayo dadka ay saameeyeen.

“Kulanka waxaa diirada ku saarnay xiriirka labadda Dowladdood iyo arrimaha Gargaarka Bini’aadanimo, waxa dhankiisa xusay inay sii wadi doonaan dadaalka ku bixinayaan Soomaaliya ayay hadalkeeda ku dartay wasiir Khadiijo.