Wasiirka gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubalaaand oo daah furey mashruuca biyo dhaaminta ee gargaarka dadka ay saamaysay abaaraha.

0
145

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Abaar baahsan ayaa wali ka taagan deegaanada Dowlad Goboleedka Jubalaand waxaana soconaayo gurmadka loo samaynayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Shirkada isgaarsiinta Hormuud ayaa biyo dhaamin u sameesay ilaa iyo 25 tuulo oo hoos taga Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaana kasoo qeeb galay furitaanka biyo dhaaminta qaar kamid ah golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubalaand Xillibaano iyo qaar kamid ah Maamulka shirkada Hormuud Maamulaha hool fulinta shirkada Hormuud ee xarunta Kismaayo Xuseen Xasan Qorane ayaa sheegay inay sii wadi doonaan caawimaada loo fidinaayo dadku ay abaaruhu saameeyeen.

Cabdirxman Cabdi Axmad Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Jubalaand ayaa ka mahad celiyay biyo dhaamintan ay sameesay shirkada isgaarsiinta Hormuud .

Wasiirka Wasaarada Cadaalada Awqaafta iyo arimaha diinta Dowlad Goboleedka Jubalaand Maxamed Yuusuf Cumar ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeeb qaataan caawimaada dadku ay abaaruhu saameeyeen.

Maxamed Cali Samow.ayaa kawaramaya.