Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada (XFS) Duran axmed farax ayaa maanta kulan laqaatay Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Ahnna Agaasimaha waaxda shaqaalaha iyo tababarada Siciid cabdulaahi maxamuud iyo agasimahaa Waaxda Qorshaynta Wasaaradda Cumar c/ qaadir sheikh ibraahim
iyo qaar ka mid Shqaalaha Wasaaradda.
Wasiirka Duraan ayaa kala hadlay Shaqaalaha iyo agasimayaasha xoojinta iyo adkaynta Shaqada iyo in masuuliyada Wayn la iska saaro adeegyada Wasaarada ay u hayso Shacabka Somaliyeed inta lagu guda jiro arimaha Doorashooyinka Dalka ka socota si ayna ugu yeelan saamayn dhanka shaqada Madaama Wasaaradu ay hayso Adeeg Dadwayne oo lagama maar maan ah.
ugu dambayn Wasiirka ayaa uga mahad celiyey shaqaalaha Waajib Gudashada shaqaalaha ee dhanka Hormarinta Wasaaradda Madaama Hormaro badan oo lagaadhay ay keentay dadaalka adag ee aad hadh iyo habeen ugu jirtaan shaqada ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada Duraan axmed farax.