Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Danjire Khadiija Maxamed Al-makhzoumi ayaa qeyb ka saxiixday Heshiiska Maalgalinta ee Mashruuca u adkaysiga Isbeddelka Cimilada beeraha ee Soomaaliya, โ๐๐ฅ๐ข๐ฆ๐๐ญ๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ฅ๐ข๐๐ง๐ญ ๐๐ ๐ซ๐ข๐๐ฎ๐ฅ๐ญ๐ฎ๐ซ๐ ๐ข๐ง ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐.โ kaas oo ay ansixisay Sanduuqa ๐๐ซ๐๐๐ง ๐๐ฅ๐ข๐ฆ๐๐ญ๐ ๐ ๐ฎ๐ง๐ (๐๐๐ ).
Wasiir Khadiija ayaa uga mahad celisay cid walba oo gacan ka gaysatay in halkan la soo gaaro. mashruucan ayaa bilow u ah dedaalka ay Dowladda Soomaaliya xal-waara ugu heleyso xaaladaha daran ee isbeddelka cimilada, cunno yarida iyo saboolnimada.