Wasiirka Caafimaadka Jubbaland oo qaabilay wafdi kasocday Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO

0
78

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubbaland Eng Ismaaciil Axmed Garas ayaa xarunta Wasaaradda Caafimaadka ku qaabilay wafdi kasocday Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO.

Wafdiga kasocday Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO waxaa hogaaminaysay haweenayda u saraysa xafiiska WHO ee Soomaaliya waxaana wehelinayay xubno kale oo muhiim ah oo Hay’adda katirsan.

Soo dhaweyn kadib waxa ay xarunta Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland kulan kula qaateen Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo qaar kamida howlwadeenada kale ee Wasaaradda, kulanka ayaa lagu gorfeeyay xoojinta wadashaqaynta Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda WHO, sare u qaadista tababarada ay siiyaan shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda iyo arimo kale.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya