Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada jubbaland iyo wafti uu hogaaminayo ayaa booqday isbitaalka wayn ee magalada dhoobley oo ay wasaaradu geysay qalab caafimaad oo casri ah kaas oo la doonayo in lagu dar dar galiyo shaqada isbitaalka
Wasiirka ayaa balan qaaday in si isxilqaan ah ay ku dhamaystiri doonaan shaqada isbitaalka inta ay ka awoodaan diyaarna u yihiin in wasaaradu ay sii hormariso isbitaalka guud ee deegaanka
Ugu horayn waxaa goobta ka hadlay wasiirka wasaarada caafimaadka iyo daryeelka bulshada jubbaland maxamed ibraahin ogle waxa uuna si qota dheer uga hadlay muhiimada ay leedahay isku tashigu. Sido kale mid kamid ah dhaqaatiirta isbitaalka ayaa faah faahin ka bixiyay agabka la soogaadh siiyay
Xildhibaan xasan yare oo kamid ahaa masuuliyiintii kormeerka samaynasay ayaa dhankiisa hadallo ka soo jeediyay goobtaasi isagoo sheegay inuu rajeynayo in agabku ay bulshada deegaanka kafai’deysan doonaan.
Khadar Axmed Salaan. ayaa warbixintan inooga diyaariyay