Wasiirka Caafimaadka Galmudug oo kormeer Shaqo ku tagay Cisbitaalka Gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb

0
134

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Dr Yaasiin Cabdi Jaamac ayaa kormeer Shaqo ku tagay Isbitaalka weyn ee gobolka galgaduud ee Magaalada Dhusmareeb ee Caasimada Galmudug.

Wasiirka ayaa kormeeray dhamaan qeybaha kala duwan ee Isbitaalka sida qeybta talaalka qaboojisa, qeybta talaal bixinta, qeybta bukaan socodka,sheybaarka iyo qeybta bukaan jiifka isagoo qiimeyn ku sameeyay adeegyada uuIsbitaalku bixiyo, bukaanada ku jira iyo xirfadlayaasha Caafimaad ee ka howl gala Isbitaalka.

Xasan Maxamed Cabdullahi.ayaa kawaramaya