Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxaa uu kormeer ku tagay halka lagu hubiyo gaadiidka qudaarta soo galiya Caasimada dalka ee Muqdisho kana keena gobolada dalka isagoo Wasiirka la kulmay saraakiisha ciidamada iyo wadayaasha gaadiidka qudaarta keena, kana xug wareestay sida ay shaqada u socoto iyo caqabadaha shaqo ee jira waxaana uu Wasiirku ciidamada ku booriyay in ay beeraleyda Soomaaliyeed ay u fududeeyaan baaritaanka marka ay soo gaaraan goobaha hubinta ee looga tala galay.
Maxamed Cali Samow.ayaa fah-faahinaya