Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS oo shir kaga qeyb galay magaalada Qaahira+Sawirro

0
206

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cali Rooble ayaa magaalada Qaahira kaga qeyb galay shirk 31aad ee Diimaha iyo Dhaqanka.

Shirkan oo ay Soo qabanqaabisay Wasaardda Awqaafta iyo Arrimha Islaamka ee Dalka Masar ayaa waxaa inta badan looga hadlayay xoojinta dhaqanka islaamka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Soomaaliya oo shirkan qeyb ka aheyd waxaa ku matalayay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Mudane Cumar Cali Rooble, waxaana khubad uu ka jeediyay uu ku sheegay horumaradda kala duwan ee dalka ka socda iyo sidoo kale dadaaladda ay wado Dowladda Soomaaliya.