Wasiirka arrimaha gudaha, dib u heshisiinta iyo federaalka Soomaaliya oo magaalada Baladweyne kulan kula qaatay qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Hiiraan

0
198

Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka arrimaha gudaha, dib u heshisiinta iyo federaalka Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa magaalada Baladweyne kulan kula qaatay qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Hiiraan isagoo ka hadlay sidii looga shaqeyn lahaa dib u heshisiinta bulshada gobolka.

Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa odayaasha dhaqanka ee ka qeyb galay kulankan kula dardaarmay inay ku dadaal dib u heshisiinta bulshada.

“ Waxaa la raba inaad ka shaqeysan dib u heshisiinta bulshada, waxaa la raba in lala heshiiyo dadka dariska, anaga waxaan markan u soo jeesanay dib u heshisiinta bulshada, maanta qofka nool beri ma noola, marka uurka yaan wax lagu heysan, waxyabaha yaryar ee jira ha laga heshiiyo.”ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha, dib u heshsiiinta iyo federaalka Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax.

Sidoo kale kulankan ayaa lagu shaaciyay in wiilka uu dhalay allaha unaxariiste Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo 23-kii bisha Feberaayo ku geeriyooday magaalada Muqdisho islamarkana lagu aasay deegaanka Dahara Ugaas ee gobolka Hiiraan uu noqdo Ugaaskii badali lahaa aabihiisa, kaasoo lagu magacaabo Yuusuf Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Ugaaska cusub ee badali doonaa allaha unaxariiste Ugaas Xassan Ugaas Khaliif ayaa dhowr bilood kadib lagu wadaa in lagu caleemo saaro magaalada Baladweyne.