Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo loo Doortay Guddoomiyaha Midowga Afrika.

0
62

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ku guuleystay doorashada xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ka dhacday Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Maxamuud Cali Yuusuf oo soo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti ilaa 2005-tii ayaa tartan adag kala kulmay Raila Odinga oo ah Ra’iisulwasaarihii hore ee Kenya, kaasi oo dowladdiisu ay si adag ugu ololeysay.

Ilaa lix wareeg oo codeyn ah oo dhexmartay Yuusuf, Odinga, iyo Richard Randriamandrato oo ka socday Madagascar ayaa ahaa mid qaatay ilaa toddobo wareeg. Musharraxa Madagascar ayaa tartanka ka haray ka dib wareeggii saddexaad.

Wareeggii lixaad ayaa kala reebta noqotay waxayna ku qasabtay in Odinga uu tartanka ka haro ka dib markii uu helay 22 cod halka uu Yuusuf helay 26 cod.

Iyadoo ay qassab tahay in qofka Guddoomiyaha Midowga Afrika noqonayo laga rabo in uu helo saddex meelood laba meel codadka guud ee dalalka Afrika ayaa Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu kaligii u gudbay wareeggii toddobaad, taasi oo keentay in uu kasbado codadkii loogu baahnaa in uu ku noqdo Guddoomiyaha.

Dad badan ayaa saadaalinayay in Raila Odinga oo si weyn looga yaqaanno Afrika uu yahay musharraxa la filayay in ay guusha raaci karto, laakin falanqeeyeyaasha ayaa aaminsan in Yuusuf uu si hoos ku waday ololihiisa, isagoo isticmaalayay aqqoontiisa dublumaasiyiinta qaaradda, taasi oo keentay inay guushu raacdo.