Wasiir ku-xigeenka wasaaradda beeraha Jubbaland oo ka warbxiyay safar shaqo oo u ku tagay Muqdisho.

0
162

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiir ku-xigeenka wasaaradda beeraha iyo waraabka Jubbaland Ugaas Cali Sokor oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbxiyay safarkii shaqo ee ugu maqnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Ogaas cali sokor wasiir ku xigeenka wasaaarada beeraha iyo waraabka Jubbaland ayaa sheegay inta uu joogay magaalada muqdisho in uu kulama la qaatay qaar kamid ah hayadaha samafalka ah gaar ahaan kuwa ka shaqeeya arimaha beeraha si ay garab wayn uga geestaan
Sidii loo garab istaagi lahaa dadka beeralayda ah sido kalana ka warbixiyay safarkiisa shaqo ee uga maqnaa magaalada Muqdisho
Sido kale wasiir cali sokor ayaa sheegay in hayadaha uu la kulmay ay u balan qadeen in ay garab istaagi doonan beeralayda jubaland.

Maxamed Cali Samow.ayaa warbixintan ku eegaya