Wasiir Israa’iil oo markii ugu horeysay cagaha dhigaya dhulka Khaliijka.

0
224

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Markii wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil, Yair Lapid, uu maanta caga dhigto ciidda Imaaraatka, waxay taasi taariikh u noqon doontaa dalkiisa iyo dunida Carabta.

Mr Lapid ayaa noqon doona wasiirkii ugu horreeyay ee Israa’iili ah oo booqda dalkaasi Khaliijka tan iyo intii Israa’iil, Imaaraatka Carabta iyo Bahrain ay kala saxiixdeen heshiis taariikhi ah oo ay ku soo celinayaan xiirirkooda sagaal bilood kahor.

Inta lagu guda jiro booqashada labada maalmood, Lapid ayaa la kulmi doona dhiggiisa Imaaraatka, Sheek Cabdullaahi Bin Sayid Al Nahyaan , wuxuuna daah furi doonaa safaaradda Israa’iil iyo qunsuliyadda oo ku kala yaalla magaalooyinka Abu Dhabi iyo Dubai.

Booqashadan waxay sidoo kale muhiim u tahay waa is dhexgalkii ugu horreeyay ee rasmi ah ee u dhaxeeya labada dhinac tan iyo dgaaalkii Israa’iil iyo Qaza ee bishii hore. Ugu yaraan 256 qof ayaa lagu dilay Qaza, sida laga soo xigta Qaramada Midoobay, halka 13 kalena lagu dilay gudaha Israa’iil.

Israaiil iyo Imaaraatka Carabta waxay lahaayeen ujeeddooyin kala duwan markii ay sanakdii hore go’aansanayeen inay soo celiyaan xiriirkooda. Dhanka Abu Dhabi marka la eego, ammaanka ayaa udub dhexaad u ahaa go’aankeeda, halka Israa’iilna ay ku weyneyd iskaashiga dhaqaale ee Imaaraatka iyo in la aqoonsado dal Carbeed.

Wax yar kaddib markii la gaaray heshiiska, oo loo yaqaanno Axdiga Abraham, maamulka madaxweynihii xilligaas ee Mareykanka Donald Trump ayaa ansixiyay in 50 diyaaradaha dagaalka ee casriga ah ee F-35 laga iibiyo Imaaraatka Carabta. Arrintan muhiim ayay u ahayd Imaaraatka, maaddaama aysan keliya waxtar u lahayn milatarigeeda balse boos istaraatiiji ah ka siineyso gobolka.

Iskaashiga dhaqaale ayaa kobcay tan iyo markii heshiiska la kala saxiixday, iyadoo heshiisyo ganacsi oo badan ay gaareen labada dhinac, heshiisyadaas oo ka kooban qeybo ay ka mid yihiin daryeelka caafimaad, gaashaandbigga iyo socdaalka.

Bishii April, shirkadda Mubadala Investment, ayaa saxiixday heshiis ay saami uga iibsaneso waaxda gaaska dabiiciga ah ee Israa’iil iyadoo ku bixineysa kharash dhan $1.1bn (£790m; €922m). Haddii heshiiskan uu meel maro wuxuu noqonayaa kii ugu weynaa ee dhex mara labada dal.