Washington oo Xayiraado Dhanka Socdaalka Ku soo Rogeysa Saraakiil Reer Cameroon ah

0
168

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad dhanka socdaalka ah ku soo rogeysa shakhsiyaad ay ku eedeysay ku lug lahaanshaha qalalaasaha galbeedka dalka Cameroon.

Wasiirka arrimaha dibadda Mareykan Antony Blinken ayaa sheegay in ay ka walaacsanyihiin qalalaasaha iyo rabshadaha ka socda deegaannada Ingiriisiga ku hadla ee dalka Cameroon.

Blinken ayaa sheegay in ay cambaareynayaan kuwa wiiqaya nabadda ee ku lugta leh hurinta rabshadaha iyo ku tumashada xuquuqda aadanaha sidoo kalena cagajugleynta ku haya shaqaalaha arrimaha bani aadannimo ee dalkaas.

Mudane Blinken ma aanu tilmaamin tirada ama shakhsiyaadka ay sida gaarka ah u saameyneyso xayiraadda dhanka socdaalka ah ee uu dalkiisu soo rogayo.

Xukuumadda Cameroon iyo kooxaha hubeysan ee gooni isu taagga ayuu ugu baaqay in ay joojiyaan rabshadaha furaanna wadaxaajood aan shuruudi ku xirnayn si deegaannadaasi nabad loogu soo dabbaalo.

Tan iyo 2017-kii deegaannada ku hadla afka Ingiriisiga ee dalka Cameroon waxaa kooxaha gooni isu taagga ah ee deegaanadaas ku sugan ay ka biyo diidanaayeen maamulka ay majaraha u hayaan kuwa ku hadla afka Faraniiska.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dad tiradoodu ka badantahay 3500 oo qof ay ku geeriyoodeen rabshadaha deegaannadaas halka 700.000 oo qofina ay ku barakaceen.

Ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada gadoodsan ayaa labadoodaba lagu eedeeyay in ay deegaannadaas ka geystaan falal ka dhan ah dadka rayidka.