Wasaraadda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland oo daahfurtay mashruuc lagu taageerayo dadka ay abaaruhu saameyeen.

0
456

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasaraadda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa daahfurtey mashruuc lagu tageerayo dadka ay abaaruhu sameyeen.

Waxaana kulankan kasoo qeybgalay Wasiirka Wasaraadda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Faarax Daa’uud Muqtaar, kusimaha Agaasimaha Wasaaradda Cabdirashiid Cumar Faratoon iyo hay’addaha maxaliga ah waxana looga hadalayay sidii logu gaargari laha dadka ay abaaruhu sameyeen ee Gobolada Jubbooyinka, Gedo ee Dowlada Goboledka Jubbaland.

Wasiirka Wasaraadda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa warbahinta uga warbixiyay muhiimada mashruucan ay wasaaradu uu daah furtay.

Naxwo Axmed Kadiye.ayaa warbixintan ku eegeysa