Wasaaradda Waxbarashadda oo shaacisay xilliga la qaadaayo imtixaanka dowladda

0
175

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya, ayaa ardayda, waalidiinta, macallimiinta, maamulayaasha iyo dhammaan
bahwadaagta waxbarashada Soomaliyeed la wadaagtay shaacinta waqtiga qaadista
imtixaanka midaysan ee fasalka 12aad.

Wasaaradda Waxbarashadda ee JFS markii ay wadatashi ku saabsan qaadista imtixaanka la
sameysay bahwadaagta waxbarashada qaybahooda kala duwan waxa ay go’aamisay in waqtiga qaadista imtixaanka sanad dugsiyadeedka 2021/2022 uu noqon doono taariikhdu markay ku
beegan tahay 18ka ilaa 22ka Juun, 2022.

Wasaaradda ayaa ku boorisay  dhammaan ardayda
dhigata fasalka 12aad in ay u diyaar-garoobaan imtixaanka. Sidoo kale waalidiinta iyo maamulayaasha dugsiyadana waxa ay ka rajeyneysay in ay ardayda ku garab-siin doonaan diyaargarowgooda.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa xustay in Dhammaan ardayda ka qalin-jabinaysa fasalka 12aad ee sanad dugsiyadeedka 2021/2022 iyo
ardayda ku hartay imtixaankii hore ee dib isku diiwaangeliyay si ay uga qayb-noqdaan imtixaanka
sanadkaan waxaa loo diyaarinayay aqoonsiyadooda si ay ugu fariistaan imtixaanka iyaga oo ka heli doona dugsiyadooda. Arday waliba oo aan horay isku diiwaan-gelin kama qayb-geli doono imtixaanka sanad-dugsiyadeedka 2021