Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tirada gabdhaha sanad dugsiyeedkaan 2021-2022 u fariisanaya Imtaxaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ah kuwo ka badan tiradii sanad dugsiyeed hore ee 2020-2021.
Gabdhaha sanadkaan u fariisanaya Imtaxaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12 ee guud ahaan Jubbaland ayaa ah 401 oo gabdhood halka tirada sanadkii hore ay ahaayeen 300 oo gabdhood waxaana halkaasi ka muuqata in sanadkaan iyo sanadkii hore farqi wayn oo dhanka wax barashada gabdhaha ah uu jiro waxaa ayna taasi ku timid dadaalo iyo wacyi galin badan oo ay samaaysay Wasaradda Waxbarashada Jubbaland si gabdhaha loogu baraarujiyo wax barashada iyo Faa’iidada ay leedahay.
Qaar ka mid ah gabdhaha wax ka barta dugsiyada sare ee Magaalada Kismaayo ee u diyaar garoobaya in ay sameeyaan Imtaxaanka dugsiga sare ee fasalka 12 ayaa ka warbixiyay sida ay ugu diyaar garoobeen imtaxaanka iyo sida ay uga go’ antahay inaay ka mira dhaliyaan hamigooda waxbarasho.
Agaasimaha waaxda imtixaanaadka iyo shahaadoyinka Wasaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Dawlad Goboledka Jubbaland Axmed Faarax Cali Aweys oo warbaahinta la hadlay ayaa sharaxad ka bixiyay farqiga waxbarasho ee sanadkan iyo sandkii hore u dhaxeya dhanka gabdhaha waxa uuna sheegay in tirada gabdhaha sanadkan u fadhiisanaya imtixaanka shahadiga ah ee fasalka 12aad ay ka badanyihiin tirada sanadkii hore.
Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa warbixintan ku eegeysa