Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubbaland mudane Cabdinaasir Seeraar Maax oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa magaalada Kismaayo ka daah-furay Imtixaanka Macalimiin tiradooda ay gaarayso 1,183 macalin oo imtixaanka ku galaya degmooyinka Kismaayo, Dhoobley, Baledxaawo iyo Garbahaarey.
Macalimiintan maanta Imtixaanka u fariistay ayaa marka la kala soo gaaro kuwa guuleysta waxa ay wax ka dhigi doonaan Iskuulada ku yaala deegaanada Jubbaland, waana markii labaad oo la qaadayo Imtixaankan iyado sanadkii horana ay sidan oo kale u qaaday Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland.
Khadar Axmed Salaan.ayaa kawaramaya