Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Adeyda dhameyneysa dugsiga sare ee iskuulada deeganada Jubbaland ayaa waxa ay si weyn ugu diyaar garoobayaan imtaxaanka shahaadiga ah ee qaranka.
Ardeyda iyo maamulada iskuulada deegaanada jubbaland ayaa waxa ay muujinayaan dadaal dheeri ah si sanadkan markale ardeyda Jubbaland ay guulo waaweyn ugu soo hoyaan imtaxaanka ay qaadeyso wasaaradda waxbarasha qaranka.
Hadaba agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowlad goboleedka jubaland maxamed cusmaan siyaax ayaa faah faahin dheeraad ah kabixiyay ka wasaraad ahaan qaabka ay ugu diyaar garoobeen qaadista imtixaankani.
Sikastaba hanoqotee agaasimaha ayaa ardayda wax ka barata iskuulada deegaanada jubaland gaar ahaan kuwa u diyaar garoobaya inay galaan imtixaanka qaranka u rajeeyay inay noqdaan kuwa guuleysta.
Cabdullahi Cabdicasiis Siraad. ayaa warbixintan ku eegaya