Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland oo dayactir ku sameeynaysa Iskuulo ku yaala Kismaayo

0
58

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Faarax Cali Aweys ayaa Maanta si rasimi ah u dhagax dhigay dib u dayactir lagu sameynayo Iskuulada Hoose, Dhexe iyo sare ee Ganaane,  Farjano, Rugta ,Waamo stadium iyo New Waamo.

Munaasbadan dhagax dhiga ayaa waxaa goob joog ahaa Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Dowlada Jubbaland dib u dayactirkan lagu sameynayo Iskuulada Hoose dhexe sare ee Magaalada Kismaayo ayaa loogu gol leeyahay in ay ka faa’iideystaan Ardeyda cusub oo si bilaash ah wax uga baran doona Iskuuladan.

Maxamed Cali Samow.ayaa fah-faahinaya