Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo bahda warbaahinta guud ahaan, munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda oo ku beegan maanta, 3-da May 2025.
Sanadkan Hay’adda Waxbarashada, Cilmiga iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay ( UNESCO) waxa ay halkudhig uga dhigtay xuska munnaasabaddani Saameynta Casriyaynta Warbaahinta iyo Adeegsiga Garaadka Macmalka ah ee Warbaahinta.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa sheegay in maalintani ay tahay fursad lagu xuso kaalinta muhiimka ah ee suxufiyiintu ku leeyihiin horumarinta bulshada, ilaalinta dimuqraadiyadda, iyo xaqiijinta daahfurnaanta.