Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Jubbaland oo amar dul dhigtay dadka ajaaniibta ah ee ka shaqeeya deegaanada Jubbaland.

0
255

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka wasaarada shaqada iyo shaqaalaha jubbaland maxamed axmed cali oo maanta shir jaraaid ku qabtay xafiiskiisa ayaa digniin u diray shaqalaha ajaanibta ee ka howlgala deegaanada jubaland

Amarka ka soo baxay xafiiska wasiirka shaqada iyo shaqaalaha maxamed axmed cali ayaa ahaa in ay isasoo diiwaan galiyaan dhamaan shaqalaha ajaanibta ee ka howlgala deegaanada jubaland ayna qaataan waraaqda shaqaalaysiinta ee ay bixiso wasaarada shaqada iyo shaqaalaha jubbaland

Maxamed axmed cali wasiirka wasaarada shaqada iyo shaqaalaha jubbaland oo lahadlay warbaahinta ayaa faray dhamaan ajaanibta in sida ugu dhakhsiyaha badan isusoo diiwaan galiyaan cidii waraqdaasu qaadan waysana ay ka qaadi doonaan talaabo sharciga waafaqsan.

Khadar Axmed Salaan. ayaa warbixintan ku eegaya