Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada dowlad goboleedka Galmudug oo fasaxday Shaqaalaha Deegaanada Galmudug.

0
260

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada dowlad goboleedka Galmudug ayaa fasaxday shaqaalaha rayidka, shaqalaha hay’addaha dowladda, shaqaalaha hay’addaha gaarka loo lee yahay kadib markii kiisas ka mid ah cudurka karoona feyris laga helay deegannada Galmudug.
warqadan lagu xusey fasaxa shaqaalaha ayaa sida tan u qorneyd:-

“ Ujeedo fasax dhamaan shaaaala weynaha DGGM Mar kaan aragnay soo laba kac leynta Covid 19 Mar key wasaaradda. caafimaadka xaqijisay in degmooyin ka Galmudug laga helay Covid 19 Mar kaan aragnay sida xawliga ah ce uu ku faafaayo Covid 19 Wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada waxay faraysaa dhamaan shaqaalaha Rayidka ah,
shaqaalaha Hay Addaha Dawlada, shaqaalaha Hay’ adaha gaarka loo leeyahay iyo hay adaha maxaliga ah la fasaxay laga bilaabo: 02/03/2021.”ayaa lagu yiri warsaxafadeedka ka soo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Galmudug.

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Galmudug ayaa sheegtay inay sii shaqeyn karan shaqalaha looga marmi waayo howlaha Muhiim-ka ah.