Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa sheegay in deegaanada Jubbaland ay dib ugu soo guryo noqdeen dad gaaraya 17 kun oo qoys kuwaasi oo ka soo laabtay Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee Dalka Kenya.
Cabdiraxmaan Cabdi Axmed Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland oo hadalkiisa sii watay ayaa xusay in qoyaskaasi ay heleen dibu dajin wanaagsan ubadkooduna ay heleen Waxbarasho tayo sare lee islamarkaana u dhiganta tii ay ku heysteen Dhadhaab waxaa kale uu Wasiirku in dhul dhan 3 Kilometre ay dowladu bixisay islamar ahaantaana ay xiligan ka socdaan Mashruuca xalka waara ee dibu dajinta loogu sameynayo dadka ku barakacay Gudaha Dalka.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa warbixitan ku eegaya