Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul Insaanka Jubaland ayaa kulan la qaadatay ururadda Haweenka ee Jubalaand u qareemida Daneyayaasha Warbaahinta iyo madaxa Haweenka si loo xaqiijiyo qoonada Haweenka ee Boqolkiiba sodon.
kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka Jubaland Xildhibaano iyo shaqaalaha Wasaaradda Haweenka waxana inta uu kulanku socoday diirada lagu saarayay xaqiijinta qondada Haweenka ee boqolkiiba sodon.Xildhibaanad Deeqo Aden ayaa ka codsatay madaxda Dalka in ay Haweenka garab istaagaan.
Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka Jubaland Marwo Idil Maxamed Mursal ayaa kawarbixisay ujeedka kulankan iyo waxyabaha logaga hadalay inta uu kulanku socday.
Xasan Maxamed Cabdullahi. ayaa warbixintan ku eegaya