Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland oo gudoontay deeq gar gaar ah oo ay bixisay Dawladda Imaaradka.

0
291

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka wasaarada gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Jubbaland Cbdirahmn Cabdi Ahmed ayaa la wareegay Lix iyo Tobban Kunteenar oo mucaawino raashin ah taas oo kaso gaartay wadanka isku tagga imaaraadka carabta.

Deqda Wasiirka gargaarka Gudoomay ayaa loogu talo galay dadkii ay saameeyeen abaruhu eee kuso barakacay daafaha magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose Gargaarka ayuu wasirku kula waregay Taakada wayn ee magalada kismaayo Waxana deeqda wakiil ka ahaa wareejinteda mareeyaha dakada kismaayo ahmed Haaji aadan.

Ugu Horeyn waxaa warbaahinta la hadlay oo wasirka ku warejiyay deeqda rashinka mareeyaha Dakada ahmed Haji Aaden.

Ugu dambayntiina waxa warbaahinta la hadlay wasiirka wasaarada gargaarka iyo maareynta masiboyinka jubbaland Cabdirahman Cabdi Ahmed oo la wareegay deeqda ayaa sheegay  in muhiimadu Tahay in wasaaradiisu cawinta iyo garab istaaga dadka danyarta ah ay qayb wayn ka qaadato.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan ku eegeysa