Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland oo deeq rashiin ah kala waregtay SoDMA

0
52
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Dowlada Jubbaland ayaa mamulka Dekada kismaayo kala wareegtay 4000 tan oo isugu jiray timir iyo raashin islamarkana ka timid Hay’adda maaraynta Musiiboyinka ee SODMA.
Suleymaan Sheekh Ibraahim oo ku hadlayey Afka maamulka dekada Kismaayo ayaa ka war bixiyey deeqdan isagoona ku wareejiyey Agaasimaha guud ee wasaaradda gargaarka.
Agaasimaha guud ee wasaaradda gargaarka iyo mareynta musiibooyiinka Dowlada Jubaland Aaden Faarax Gaarane oo deeqdan guddoomay ayaa Hay’ada SODMA kaga mahadnaqay deeqdan ay ugu talagashay dadka ay saameysay fatahaada iyo kuwa danyarta ah ee ku nool xerooyiinka barakacayasha Jubbaland.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya