Wasaaradda Gar-gaarka Jubbaland oo ka digtay Roob dabeylo wata oo ka da’ayo Deegnaaada xeebaha ah

0
45
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shir degdeg ah oo looga hadlay digniinaha ku saabsan roobab mahiigaan ah oo la filayo inay ka da’aan qaybo ka mid ah Jubbaland, gaar ahaan Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubadda Hoose, ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland.
Kulanka waxaa shir-guddoominayey Wasiirka Gargaarka Jubbaland, waxaana ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka, wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah, qeybaha kala duwan ee hay’adaha dowliga ah, iyo ururada bulshada rayidka Jubbaland.
Maxamed Cali Samow.ayaa kawaramaya