Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo gunaanaday shir wadatashi Qaran oo muhiim u ah ganacsiga dalka kaasoo dhexeeyay Wasiirka Ganacsiga XFS iyo Wasiiradda ganacsiga Dowlad-goboleedyada, Shirkan oo muddo laba maalmood ah kasocday Muqdisho diiradda lagu saaray sidii loo mideyn lahaa nidaamka sharciyeed ee diiwaangelinta iyo shatiga ganacsiga.
Waxaana shirka kasoo qeyb galay Wasiirrada Ganacsiga ee dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, SSC-Khaatumo iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga Jubbaland.
Intii uu socday shirku, waxaa si qoto dheer looga dooday sidii loo dhisi lahaa hannaan sharci oo mideysan, kaas oo meesha ka saaraya jahawareerka ka dhashay kala-duwanaanta sharciyada dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe.
Waxaa sidoo kale laga hadlay dhibaatooyinka ay ganacsatada la kulmaan, sida shuruucda kala duwan ee is-daba-yaaca ah, shatiyada fara badan ee laga qaado, iyo lacagaha aan nidaamka lahayn ee mararka qaar ku khasba ganacsatada inay bixiyaan si ay u helaan rukhsado ganacsi.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Maxamuud Aadan Geesood, ayaa muujiyay sida ay muhiim u tahay in la gaaro hal sharci qaran oo dhammaan dalka laga hirgeliyo, taasoo wax ka qaban doonta is-buurashada hay’adaha kala duwan ee bixiya shatiyada.
Mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan ee lagu heshiiyay ayaa ah in la hirgeliyo nidaam casri ah oo dijitaal ah (automatic system) oo si toos ah looga heli karo diiwaangelinta iyo shatiga ganacsiga dhammaan gobollada dalka.
Nidaamkan wuxuu meesha ka saaraya baahida uu ganacsaduhu u qabo inuu safar dheer ku yimaado Muqdisho si uu u helo laysanka ganacsiga.
Tani waxay si weyn u fududeyn doontaa howlaha ganacsatada, waxayna yarayn doontaa kharashaadka iyo waqti lumiska.
Waxaa kaloo shirka lagu muujiyay in dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyadu ay diyaar u yihiin in ay xoojiyaan wadashaqeynta farsamo iyo siyaasadeed, si loo dhiso nidaam ganacsi oo hufan, kalsooni ku dhisan, loogana hortago wax isdaba-marinta, musuqmaasuqa iyo caqabadaha kale ee hor taagan horumarka dhaqaalaha dalka.
Shirka wuxuu horseeday faham iyo go’aan mideysan oo la xiriira sidii loo dardargelin lahaa ansixinta hindisaha xeerka cusub ee diiwaangelinta iyo rukhsad-siinta ganacsiga, iyadoo qorshuhu yahay in xeerkaasi la horgeeyo Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Federaalka si uu u noqdo sharci rasmi ah oo dalka ka dhaqan gala.
Mid ka mid ah guulaha ugu waa weyn ee laga gaaray shirkan ayaa ah heshiis rasmi ah oo dhex maray Wasiirka Ganacsiga ee Dowladda Federaalka iyo wasiirrada ganacsiga ee dowlad-goboleedyada, kuwaas oo si buuxda uga heshiiyay in laga fogaado khilaafka siyaasadeed iyo is-maandhaafka maamul ee muddooyinkii dambe caqabad ku ahaa horumarinta ganacsiga dalka. Wasiir Maxamuud Aadan Geesood ayaa caddeeyay in wadajirka iyo wadashaqeynta ay tahay furaha lagu gaari karo kobac dhaqaale iyo horumar waara. Isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yiri:
“Wasiirrada Ganacsiga dowlad-goboleedyada waxaan ku heshiinay in laga fogaado khilaafka oo laga wada shaqeeyo wixii dalka waxtar u leh, maadaama loo adeegayo dadka Soomaaliyeed.”
Dhammaan dhinacyadii ka qeybgalay shirka waxay muujiyeen in loo baahan yahay in ganacsatada Soomaaliyeed laga dulqaado culeysyada ay wajahayaan, lana siiyo jawi ganacsi oo hufan, xasilloon, una sahlaya inay horumariyaan ganacsigooda iyagoo aan la kulmin wax carqalado sharci ah ama maamul oo aysan u baahnayn.