Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS, ayaa soo agaasintay kulan hordhac ah oo lagu diyaarinayo ka qaybgalka Shirweynaha Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada ee 30aad (COP30), kaasoo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Belem ee dalka Brazil sanadkaan 2025.
Kulankaan, oo ay isugu yimaadeen khubaro farsamo oo ka kala socday wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda federaalka, waxaa ujeeddadiisu aheyd sidii loo mideyn lahaa dadaallada diyaar garowga iyo sidii looga wada hadli lahaa qorshayaasha iyo istiraatiijiyadaha lagu horumarinayo ka qaybgalka Soomaaliya ee COP30.
Waxaa sidoo kale looga dooday caqabadihii iyo casharadii laga bartay shirarkii hore,si gaar ahna looga faa’iideysto waayo aragnimadii hore ee laga helay. Waxa kale oo diiradda la saaray sidii loo mideyn lahaa aragtida qaran iyo diyaarinta xogaha farsamo ee loo baahan yahay, si Soomaaliya u yeelato kaalin muuqata oo wax ku ool ah marka la gaaro shirweynaha COP30.
Wasaaraddu waxay ku boorrisay dhammaan hay’adaha la shaqeeya in ay si buuxda uga qayb qaataan diyaar garowga, iyadoo la xoojinayo iskaashiga iyo wadashaqeynta si looga faa’iideysto fursadaha ay shirkaasi u keeni karto dalka, gaar ahaan dhinacyada la xiriira maalgelinta, horumarinta waara, iyo la tacaalida isbeddelka cimilada.