Wasaaradda Deegaanka iyo dalxiiska Jubbaland oo Kismaayo ku qabatay tababar ku saabsan xal u helida isbadalka cimilada.

0
167

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo dalxiiska Jubbaland Ceydiid Saleebaan Xaashi ayaa daahfuray tababar ku saabsan xal u helida isbadalka cimilada iyo ka hortaga xaalufinta dhirta taasi oo ay soo qabanqaabisay hay’adda Filand Soomaali Association.
Tababarkaan oo socon doona mudo sedax cisho ah ayaa waxaa ka faa’iideysan doono marti ka timid Magaalooyinka Guriceel, Ceel-cade, afmadow iyo shaqaalaha Wasaarada Deegaanka iyo dalxiiska Dowlad Goboleedka Jubalaand.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo dalxiiska Dowlad Goboleedka Jubalaand Ceydiid Saleebaan Xaashi oo daahfuray tababarkan ayaa sharaxay tababarkan iyo faa’iidoyinka uu u leeyahay dadka iyo Deegaanka.

Maxamed Cali Samow.ayaa kawaramaya