Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ay manta qabaty munaasabad lagu daahfurayo Xuska Todobaadka NAAS NUUJINTA. Munaasabada waxaa horjoog u ahaa manta Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawziya Abikar Nuur oo ay Wehliyaan Wasiiradda Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Marwa Xanifa Mahamed Ibrahim iyo Senator Zamzam Dahir.
Munaasabda waxaa kaloo kasoo qaybgalay Agaasimaha Caafimaadka Maamulka Gobola Banadir Mr Mahamed Adow, howlwadeenadda Wasaaradda Caafimaadka, Xubno katirasan Ururadda kala duwan ee Xirfadleyda Caafimadka, Agaasimayaasha Cisbitaaladda, Hay’addaha ka shaqeeya Nafaqadda, Ururka Haweenka Soomaliyeed iyo Bulshadda Rayidka.
Ujeedka Munaasabada ayaa ku aadanayd sidii kor loogu qaadi lahaa baraaruga bulshadda iyo wacyigelinta muhiimadda naasnuujinta iyo garab istaaga hooyadda ee naasnuujinaysa.
Waasaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadu waxay ku talinaysa in naas-nuujintu ay bilaabato saacadda ugu horeyso marku ilmaha u dhasho, waana in uu helaa naas-nuujin aan barax lahayn 6da bilood ee ugu horaysa.
HAL KU DHIGGA SANADKA 2022
Baaqa sanadkan 2022 wuxuu taageerayaa hal ku dhigga ku qotoma odhaahdan, “Aan u Istaagno Naas-nuujinta”