Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey doorka haweenka ka shaqeeya caafimaadka iyo kaalinta ay ku yeelan karaan difaaca dalka iyo doorasho qof iyo cod ah.
Kulankaan oo ka dhacay cisbitaalka Madiina ee magalaada Muqdisho waxaa kaloo ka qeybgalay Ururka Haweenka Caafimaadka Soomaaliyeed,iyadoo diiradda lagu saaray doorka ay haweenka Soomaaliyeed ee ka shaqeeya arrimaha caafimaadka ay ka qaadan karaan qabashada doorashooyinka qof iyo codka ah iyo difaaca dalka.
Kulankaasi oo si gaar ah loogu lafaguray kaalinta haweenka iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay ka shaqeynta horumarka dalka waxaa la isku dhaafsaday arrimmo muhiim ah oo ku saabsan in door muuqda oo mug leh ay gabdhaha Soomaaliyeed ku yeeshaan horumarrada dalka ee la hiigsanayo .
Qaar kamid ah dadkii soo xaadiray kulankaasi oo qaatay shahaadada codbixinta ee Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka waxaa la hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale .