Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo tababar la xiriira tallaalka COVID-19 u furtay shaqaale Caafimaad “SAWIRRO”

0
253

Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Caafinaadka Galmdug Dr Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac ayaa Caabudwaaq maanta ka daahfuray Tababar la xariira qaabka bixinta tallaalka COVID-19 iyo diiwaangalinta, waxaana loofuray shaqaale Caafimaad oo gaaraya 40  xubnood oo  ka kala yimid deegaanno kala duwan oo ka tirsan Galmudug

Xirfadlayaashan caafimaadka  oo ah kuwo ay Wasaaraddu ay u soo xulatay inay ka howlgalaan kadib marka ay dhamaystaan tababarkan degmooyinka ay ka yimaadren  ayaa la siinayaa casharro la xariira habka bixinta tallaalka COVID-19.

Xildhibaan Fardawsa Yuusuf Ciid oo ah Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Baarlamaanka Galmudug iyo Mudanayaal kale oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo kala ah Xildhibaan Cusaama iyo Mahad kilic ayaa la dardaamay shaqaalaha caafimaad ee qaadanaya Tababarkan.

Wasiirka Wasaaradda Caafinaadka Galmdug Dr Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac ayaa dhankiisa  shaqaalaha caafimaad ugu baaqay inay si wanaagsan uga faa’iideeystaan casharada lasiinayo ee habka bixinta tal6aalka COVID-19.