Wasaaradda Caafimaadka Falastiin:10 qof oo lagu dilay weerar ay Israa’iil ka geysatay Daanta Galbeed

0
177

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in tirada dhimashada ee ka dhalatay weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen magaalada Jenin iyo xerada qaxootiga ee Daanta Galbeed ee la haysto ay kor u kacday 8 ilaa 10.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay howlgalo ka dhan ah waxa ay ugu yereen argagixiso ka wadaan Jenin iyo meelo kale oo ka tirsan Daanta Galbeed, iyaga oo intaa ku daray in ay burburiyeen oo ay la wareegeen hub.

Toddobaadkii hore, ciidamada Israa’iil waxay sheegeen in ciidamadoodu “ay ka wadaan hawlgallo ka dhan ah Xamaas”.

Ugu yaraan 176 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Daanta Galbeed tan iyo markii uu dagaalka billowday 7-dii Oktoobar, sida laga soo xigtay tirooyinka Wasaaradda Caafimaadka Falastiin.