Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Jubbaland, ayaa Magaalada Kismaayo ku qabatay tababar socon doona muddo saddex cisho ah.
Tababarkan oo loo qabtay Qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda iyo Dadka xoogsatada ah ee ka shaqeeya Dhagaxa iyo Ciida ayaa waxaa daah furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Jubbaland Ayaanle Xuseen Maxamed waxaana inta uu socdo loogaga hadli doonaa xoojinta Macdanta Dhisida Awooda iyo Wacyigalinta Badbaada.
Xasan Maxamed Cabdullaahi. ayaa ka warramaya