Wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland oo tababar u qabatay xubno kamid ah golaha Deegaanka Degmada Afmadow

0
184

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaarada arimaha gudaha fedaraalka iyo dib u heshiisiinta Jubbaland oo kaa shanaysa hay’adaha ay bahwadaaga yihiin ayaa aqoon is weydaarsi ku aadan hab maamulka u furtay xildhibaanada golaha Deegaanka ee Degmada Afmadow Agaasimayaal iyo shaqaalaha Dawlada Hoose ee Afmadow.

Aqoon iswaydaarsiga ayaa socon doona mudo saddex malin ah iyadoo diirada lagu saarayo maamul daadajinta Dawladaha Hoose islamarkaana loga faa’iidaynayo shaqalaha Dawlada Hoose si kor loogu qaado tayada xirfadooda shaqo.

Ugu horeyna waxaa Warbaahinta la hadlay Xogheyaha golaha Deeganka Degmada Afmadow Xalane Maxamed Bashiir isago fah faahin ka bixiyay Tababarkani.

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Deegaanka Degmada Afmadow Saalax Cumar Cabdi ayaa kaso qayb galayaasha u bidhaamiyey ahmiyada uu uleyahay aqoon iswaydaarsiga isagoo u rajeeyay inay si wacan uga faa’idaysan Doonaan.

Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa kawaramaysa