Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha iyo Kaluumeysiga Jubbaland oo kulamo gaar gaar ah la qaatay Wakiilka Hay’adda FAO u qaabilsan Soomaaliya.

0
398

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradaha xanaanada xoolaha iyo  kaluumaysiga ee Dawlad Gobaleedka Jubbaland ayaa kulamo gaar gaar ah laqaatay Wakiilka Hay’adda Cunada iyo Beeraha ee FAO, uqaabilsan Sooamaaliya Etienne Philips, oo soo gaadhay Magaalada Kismaanyo ee Caasimada KMG ee Jubbaland.

Wakiilka Hay’adda FAO, ayaa kuluma gaar gaar ah oo looga hadlayay wada shaqaynta Hay’adda iyo Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha iyo Kaluumeysiga Dowlad Goboleedka Jubbaland laqaatay Masuuliyiinta Wasaraadahaas iyadoona Wakiilka uu Warbixino ka dhagaysta labada Wasaaradood.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha Daaqa iyo dhirta Dawlad Gobaleedka Jubbaland mudane Ibraahim Cabdi Xasan iyo Wasiir kuxigeenka kaluumaysiga iyo khayraadka badda Jubbaland Maxamed Cumar Buuni oo siwada jir ah ulahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Wakiilka ay u gudbiyeen baahiyaha laga marmaanka u ah Wasaaradaha iyo Bulshada Jubbaland.

Khadar Axmed Salaan.ayaa kawaramaya.